Ciidanka Xeebaha Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigtay Markab Iyo Kalluumeysato Ajaanib Ah

Ciidamada Somaliland ayaa  saacadihii lasoo dhaafay lagu qabtay kalluumeysato Ajaanib ah, xili ay ku jireen badda.

Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Gobolka Salel   ayaa gacanta ku dhigay markab ay saarnayeen rag kalluumeysato Ajaanib ah oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayey xeebaha Somaliland.

Ragga Ajaanibta ahaa ayaa xeebta looga soo qaaday gaari ay leeyihiin Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland, isla markaana waxaa lagu xidhay Saldhig Ciidan, waxaana raggaas ay garayaan ilaa iyo 11 qof.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland ayaa tilmaamay in ragga waday kalluumeysiga sharci darrada ahaa loo gudbin doono Maxkamad, in kastoo aan la shaacin dalalka ay u dhasheen.

Ciidamada Somaliland ayaa horey gacanta ugu dhigtay rag Ajaanib ah oo kalluumeysi sharci darro ah ka waday xeebaha  Somaliland, waxaana xusid mudan in qaarkood xukuno lagu riday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker