Madaxweyne Donald Trump Oo Maanta Tagaya Magaalada London
Madaxweyne Donald Trump ayaa ka duuley garoonka Milatariga ee duleedka Washington ee loo yaqaan Joint Base Andrews ee gobolka Mayrland xaley abaare 8:30 habeenimo, isagoo ay u bilaabaneyso booqasho afar cisho ah oo uu ku tagayo Yurub. Trump ayaa aroorta hore ee saaka ka degaya London.
Waxa uu la kulmi doonaa Boqorada Britain Elizabethda labaad isagoo kala qeyb geli doona xus loo sameynayo maalinta loo yaqaan D-Day, xaaskiisa iyo caruurtiisa ayaa safarkan ku wehliya.
Majirto soo dhaweyn weyn sida madaxdii ka horeysay oo kale oo loo sameyn doono Madaxweyne Trump sida uu sheegay guddoomiyaha Magalada London,waxana Trump uu Aduunka ka abuurtay siyaasad xumo.