Mucjiso :Gabadh dhalatay 7 sano kadib geeridii aabaheed
Liat Malka waxay waqti ku haminaysay in ay ubad hesho, laakiin weli ma aysan la kulmin qofka saxda ah oo la bilaabi lahaa qoys. Kadibna waxay qayb ka noqotay qorshe aan caadi aheyn – si ay u rumayso rajada qofka aysan garanayn ee doonayay in uu noqdo aabaha canuga.
Sannadkii 2013-kii Liat Malka oo ah 35 sano jir waxey ahayd kali ama Iskaabulo macalin carrurta ah ka ahayd wadanka Isra’iil, waqtigii ay dareentay baahi in ay jirto.
” Waan ka walwalayay waqtiga soconaya iyo in aan dhaafo xiliga carruur dhalka, kadib waxan booqday dhaqtar waxana sameeyey bacrimin tijaabo ah.”
Markii ay jawaabta dhaqtarku soo baxday, waxay sheegeen in Ugxanta bidixda ay daciif yihiin, dhaqtarka ayaa digniin ugu sheegay hadii ay doonayso in ay sugto qofkii saxda ahaa ee ay guursan lahayd laga yaabo in ay waydo hooyanimadii ay ku haminaysay.
” Laga bilaabo waqtigaas waxaan go’aansaday in aan sameeyo wax walbo oo suurta gal ka dhigaya in aan helo carruur,” Sidaas waxaa u sheegtay BBC-da Liat .
Markii ay Liat timid guriga, waxay booqatay Online ah si ay dalabkeeda ama codsigeeda u raadsato.
” Xaqiiqdii waxaan doonayaa in ilmo aan aqoonsado aabihii, taasina kama suurta galayso Manida la kaydiyo,” sidaas ayay sheegtay Liat.
Liat waxay ka war heshay in lammaanaha Vlad iyo Pozniansky ay warbaahinta ku sheegeen in ay doonayaan in ay fasaxaan kaydka Manida uu ka tagay wiilkoodii oo geeryooday sannad ka hor, in ay heleen haweenaydii hooyada u noqon lahayd ilmaha wiilkoodii geeriyooday.
Liat waxay ku hamisay in ay ku fiicnay arinkan oo kale, “Sababtoo ah waxay waa la aqoonsan karaa waalidka iyo qaraabada wiilka ka dhintay kaydka Shahwada” sidaa waxa sheegtay Liat.
Waxay go’aan ku gaartay in ay xariir la samayso Qareenka qoyskan si ay u hesho macluumaad inkasta oo ay ka soo wareegtay Afar sannadood markii wareysigan la baahiyay, hadana Vlad iyo Julia maysan helin ilmaha ay sugayeen iyo haweenaydii ay u doorteen in ay hooyo u noqoto.
Liat waxay heshay balan ay la sameysatay qoyskan ay ka doonaysay abuurka Shahwada wiilkoodii dhintay, maalintii balanta qoyskani waxay hore u soo qaateen Album ay ka buuxaan sawiro uu lahaa wiilkoodii geeriyooday ee ay jeclayeen .

Wiilkan geeryooday ayaa u dhintay cudurka Kansarka,wuxuu ku dardarmay ama uu ka codsaday qoyskiisa in hadii uu dhinto kaydka Shahwadiisa loo dooro haweenay ku haboon in ay u dhasho canug.
Liat, Vlad and Julia waxay kala saxeexdeen in isticmaalka kaydka Shahwadan aysan cid kale isticmaalin.
“Ilaalinta xaquuqdan waa xaquuqda aragtida canuga wiilka aan dhalnay intaa waxan u kaydinaynay maaha oo kaliya rumaynta riyadii wiilkayaga dhintay ee waa sidoo kale in aanu noqono Awoowe iyo Ayeeyo” sidaas waxa yiri waalidka wiilka dhintay.
Liat muddo ayay ka fakaraysay wax walba oo dhib ku keni karo kadib way bilowday beeritanka, markii u horeysay way ku guuldaraysatay,markii danbe waa lagu guulasytay in ay Uur yeelato waxayna u ahayd farxad.
Waxa u dhalatay Shira oo ah gabar dhalatay 1 December 2015-kii oo ku soo beegmaysa todoba sanno ka hor markii uu dhintay Aabaheed.
” Waxay ii ahayd in aan ku jiray Riyo, sida ay u qurxoonayd ma aamini Karin.” Liat ayaa sheegtay.
Liat waxay wacday Vlad iyo Julia si ay ugu sheegto warka farxada leh.