Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Maanta La Kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya Mr. David Concar oo ku jira todobaadkiiisii ugu danbeeyay ee xafiiska.

 

Wasiir Beyle ayaa sheegay in safiirka Britain ee Soomaaliya ay ka wada hadleen horumarka Maaliyadda,wuxuuna inta uu kulanka socday uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda UK la garab taagan tahay Soomaaliya.

 

โ€œWaxaan maanta la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya Mr David Concar oo ku jira Todobaadkiisii ugu dambeeyay ee Xafiiska,Waxaan ka wada hadalnay horumarka Maaliyadda, waxaan sidoo kale uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay nala garab taagan yihiin,โ€ayuu yidhi Wasiir Beyle.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker