Mas’uuliyiintii Dowladda Somalia Ee Lagu Xanibay Kenya Oo Dib Loogu Soo Celiyay Muqdisho Iyo Dawladda Kenya Oo Ka Hadashay
Waxaa saaka Magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyay Wasiir Ku xigeen ka tirsan Xukuumadda Somaliya & laba Senator oo Aqalka Sare ka mid ah, kadib muddo 15-saacadood oo ay ku xanibnaayeen Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee dalka Kenya.
Dowladda Kenya ayaa masuuliyiintaan u diiday inay ugu dhufato Viisaha dal ku galka, waxaana ay wateen xubnahan Baasaboorka Diblumaasiga, lama oga sababta Kenya ay ugu diiday.
Xalay masuuliyiintaan waxa ay ku hooydeen Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta, waxaana saaka ay soo raaceen diyaarad u soo socotay Magaalada Muqdisho.
Saddexda masuul ee dib loogu soo celiyay Muqdisho, ayaa waxa ay kala yihiin Wasiir Ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Libaax iyo labada Senator ee kala ah Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Senator Zamzam Dahir.
Illaa hadda ma jirto dowladda Somaliya wax war ah oo ka soo baxay oo ku aadan falka dowladda Kenya ay kula kacday masuuliyiintaan ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya.
Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay Xubnaha Golaha Shacabka Somaliya ay ansixiyeen Sharciga Batroolka dalka, waxaana go’aanka Kenya ay ku diideen dalkeeda inay galaan masuuliyiintaan uu noqday mid soo boodo ah oo saan saantiisa horay aysan u sii muuqan.