XAFLADII FURITAANKA DUGSIGA HOOSE/DHEXE EE Al-madiina Primary School EE 2018-2019

Waxa shalay Arbacadii oo ay taariikhduna ku beegnayd 05-9-2018 lagu qabtay Magaalada Hargaysa xafladii furitaanka sannad dugsiyeedka 2018-2019 ee dugsiga ( Al-madiina ),Waxaana Xaflada lagu qabtay goobta uu ku yaallo dugsigu , sidoo kale waxa ka soo qayb galay furitaanka xaflada Culimo , Aqoon yahan, Cuqaal, Salaadiin , Waalidiin iyo marti sharaf badan. Ugu horayn waxa ka hadlay xaflada kana warbiyey dugsiga iyo qaabka uu ushaqeeyo maamulaha guud ee dugsiga :Cabdiraxmaan Xirsi Cawaale oo isagu halkaas ka soo jeediyey hadallo kooban oo uu kaga hadlaayey iskuulka iyo waxa lagu barto iyo qiimaha ay waxbarashadu aadamaha u leedahay, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Ilaahay ayaa mahad iska leh ilaaha halka kan iskugu keen-keenay runtii dusigani waa dugsi Casri ah oo manhajka waxbarasho ee uu raacaana yahay kan wasaarada waxbarashada Jamhuuriyadai Soomaliland luqadda lagu bixiyo duruustuna waa Af Ingiriisi, waxa kale oo u dheer ardayda barashada quraanka kariimka ah, Tarbiyada islaamka iyo luqadda Afka-carabiga, ardayda uu qaataana waa ay koobanyihiin, waxa kale oo uu dugsigani kaga duwan yahay dugsiyada kale waxa uu qaadaa bil kastaba imtixaan bileed, sidoo kale macalimiinta waxa dhigaysaana waa heer Jaamacadeed waana kuwo la soo xullay oo akhlaaq iyo diin ahaanba dhisan. Sidoo kale dugsigu waxa uu u furan yahay dadweyna magaalada Hargaysa iyo dadka degan xaafadan gaar ahaan kuwa la jecel ubadkooda waxbarasho tayo leh iyo tarbiyad toosan„. Waxa kale oo iyana ka hadlay xaflada Culimo, waxgarad, Cuqaal , Salaadiin, waalidiin iyo masuuliyiin kala duwan intuba waxa ay ka hadleen qiimaha ay waxbarashadu leedahay .

Hadaba haddii aad jeceshahay inaad wax ka ogaatid dusigan ama aad ubaahan tahay faahfaahin dheeraad ah fadlan halkan kala soo xidhiidh TEL:0634149171 ama 0634116567 .
Qalinkii: Maxamede Muuse Cilmi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker