Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabad ku dhuftay Weriye Cabdiraxman Keyse Tungub
Ciidamada Booliska Somaliland Ayaa Xabad ku dhuftay Weriye Cabdiraxman Keyse Tungub oo ka mid ah Weriyeyaasha Gobolka Sool, sida uu ii sheegay goor-dhaweyd mar uu talefoon igula soo hadlay.
Wariyahan oo Dhaawac ah ayaa Maalmihii u Danbaysay ay Baadigoobayeen Ciidamadu iyadoo la rabay in lagu xidho amar uu Bixiyay Badhasaabka Gobolka Sool,
Galabta Casarkii mar aan Weriyahan oo Xogtiisu isoo gaadhay aan la hadlay waxa uu ii sheegay in Badhasaabku ku yidhi Joojiya War ay ka duubeen Odayaal shir jaraaid qabtay oo ka hadlayay Xadhiga Xildhibaan Dhakool oo Hargeisa ku xidhan marka uu diidayna Badhasaabku amray in la xidho oo uu maalmahanba Baxsad ahaa.
Ugu danbayn Afurkii ayay Ciidamadu is dheheen qabta Markii uu is yidhi baxsana Xabad ayaa ku dhacday.
Ilaahay ha caafiyo Suxufi Cabdiraxmaan.