Baarlamaanka Somaliland Oo Diiday Inay Xasanaanadda Laga Qaado Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool
Shir ay Magalada Hargeysa ku yeesheen maanta guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa waxay ku diideen in xasanaanadda laga qaado xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland.
Guddiga ayaa xeer-ilaalinta Somaliland waxay u soo gudbisay in xasaanadda lagala laabto xildhibaanka, balse guddiga ayaa dalabkaas ka biya-diiday, isla markaana dalbaday in xildhibaanka xorriyadiisa dib loogu soo celiyo.
Sidoo kale, guddiga ayaa ammaanay go’aankii uu gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi-jeex uu ku diiday inuu qaado dacwada xildhibaan Dhakool, isagoo xusay in xildhibaan xasaanad leh uusan dacwadiisa qaadi karin.
Mudane Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa dhawr casho ku xidhan xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa, waxaana loo haystaa hadal uu siiyay warbaahinta oo uu ku sheegay in 18-ka May aanay ahayn maalin qaran, laakiinse ay tahay maalin u gaar ah ururka SNM.
Dhanka kale, Xadhigga xildhibaanka ayaa wuxuu buuq iyo gacan ka hadal ka dhaliyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo uu kasoo jeedo, iyadoo xalay laga maqlay magaaladaas rasaas xoog badan.
Ugu dambeyn, Xadhigga xildhibaanka ayaa lagu sheegay mid aan sharciga u dhigan Somaliland waafaqsanayn, maadaama uu xildhibaanku xasaanad leeyahay, isla markaana gurigiisa lagala soo baxay iyadoo aanay maxkamadi xukumin xadhiggiisa.