Madaweyne Farmaajo , Raysal Wasaare Kheyre Iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Oo Tacsiyeeyay Geerida Xaaji Cabdi Waraabe
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.
“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.”
“Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa samatalis Soomaaliyeed oo nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo”
Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Ra’iisul Wasaaraha kuxuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.
“Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed Iyo ehelkii uu ka baxay Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ku geeriyooday Hargeysa. Waxa uu astaan u ahaa nabadda & dib-u-heshiisiinta. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Allaaha u naxariistii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo dhashay dhammaadkii qarnigii 19aad ayaa kamid ahaa sama-taliska Soomaaliyeed iyo mawaadiniintii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay halgankii xoriyadda dalka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa tacsi leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey Hargeysa.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa marxuum Cabdi Waraabe Allah uga baryay naxariistii janno, dhammaan ehelka uu ka baxay iyo umadda Soomaaliyeedna uu Samar iyo Iimaan Ka siiyo.
Allaaha u naxariistii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo salaadii Jimcaha kadib ku geeriyooday Hargeysa ayaa waxa uu dhashay dhammaadkii qarnigii 19aad waxa uuna kamid ahaa sama-taliska Soomaaliyeed iyo mawaadiniintii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay halgankii xoriyadda dalka.