Madaxweyne hadiyad ahaan u siiyay hoggaamiyaal Afrikan ah wax laga sameeyay cagta Maroodiga 

Madaxweyne hadiyad ahaan u siiyay hoggaamiyaal Afrikan ah wax laga sameeyay cagta Maroodiga

Madaxweyne Mokgweetsi Masisi ayaa lagu wareejiyay kuraas isagoo la joogo dhigiisa dalalka Zimbabwe, Zambia iyo Namibia
Madaxweyne Mokgweetsi Masisi ayaa lagu wareejiyay kuraas isagoo la joogo dhigiisa dalalka Zimbabwe, Zambia iyo Namibia

Kuraas laga sameeyay cagta maroodiga ayaa la siiyay sedex hogaamiye oo Afrikan ah xili lugu guda jiray shir looga hadlayay mustaqbalka xayawaanada naasleyda ah kaas oo ay marti galisay Botswana.

Madaxweyne Mokgweetsi Masisi ayaa hadiyadaha oo ku xardhan maryo buluug ah ku wareejiyay dhigiisa dalalka Namibia, Zambia iyo Zimbabwe.

Dalalkan oo ay ku jirto Koonfur Afrika ayaa ku baaqaya in meesha laga saaro xayiraada lagu soo rogay ugaadhsiga maroodiga .

Waxay ku doodayaan in lacagta laga helo ugaadsiga loo isticmaali karo mashruuca lagu ilaalinayo Maroodiga.

Cagta Maroodiga
Cagta Maroodiga

Ugaadhsiga Maroodiga ayaa ah arrin weyn oo ka tagaan guud ahaan Qaaradda Afrika, iyadoo khubarada ay ku qiyaaseen in la dilo 30,000 oo Maroodi ah sanad kasta.Waxaana loo maleynayaa in ay kaliya hareen 450,000.

Shirka lagu qabtay dalka Botswana oo ku nool ku dhawaad 130,000 oo Maroodiyo ah, ayaa ku dhiban dagaal u dhaxeeya ah dadka iyo Maroodiga.

Hadiyadda cajiibka ah ee laga sameeyay cagta Maroodiga oo la siiyay hogaamiyeyaasha ayaa ahayd fariin culus oo lagu taageerayo ka ganacsiga Maroodiga, sida uu sheegay wariyaha BBC-da Alastair Leithead.

Sanadkii tegay ee 2018-kii, 87 Maroodi ayaa lagu laayay kayn ku taala dalka Botswana.

Madaxweyne Masisi oo xilka qabtay sanadkii tagey ayaa badalay hannaanka adage ee ilaalinta Maroodiga oo uu soo rogay madaxweynihii ka horeeyay ee Lan Khama.

Sanadkii tegay ee 2018-kii, 87 Maroodi ayaa lagu laayay kayn ku taala dalka Botswana
Image captionSanadkii tegay ee 2018-kii, 87 Maroodi ayaa lagu laayay kayn ku taala dalka Botswana

Inkastoo la sameeyay is bedelka, hadana waxaa jira taagero weyn oo loo muujinayo in meesha laga saaro mamnuucidda ugaadhsiga Maroodiga taas oo qeyb weyn ku leh doorashada sanadka.

Si kastaba ha ahaatee, dadka ka soo horjeeda ugaadhsiga Maroodiga ayaa sheegay in arintani ay fogeyneyso dalxiisayaasha maal qabeenka ah ee soo boqda dalka kuwaas oo kaalinta labaad dalka uga jira xaga dhaqaalaha uga yimaada dibadda.

Dalalka Namibia, Koonfur Afrika iyo Zimbabwe ayaa ogol ugaadhsiga waxayna taageersanyihiin codsiga magaalooyinka xukuma ganacsiga xayawaanada halista badan si loogu oggolaado iibka foolka Maroodiga looguna maal geliyo ilaalinta Maroodiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker