Raacdada Suuqa Kala Iibsiga Ee Barcelona Oo Haatan Soo Gashay Arsenal & Ciyaartoygii Ugu Fiicnaa Gunners Xilli Ciyaareedkan Oo Looga Yeedhayo Camp Nou.

 

 

Maamulka suuqa kala iibsiga ee kooxda Barcelona ayaa haatan isha ku haya weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexander Lacazette oo ay u arkaan bedelka Antoine Greizmann oo ay hore u doonayeen balse go’aansaday inuu Atletico Madrid kusii sugnaado.

 

Lacazette ayaa Arsenal usoo dhaqaaqay suuqii xagaaga ee sanadkii 2017 isaga oo 60 Milyan kaga yimid dhinaca kooxda Lyon waxaana uu tan iyo markaas soo ahaa mid kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan safka Gunners.

Lacazette ayaa guud ahaan mudada uu soo joogay Arsenal usoo dhaliyay 35 gool tartamada oo dhan waana sababta uu kusoo jiitay indhaha madaxda Barcelona oo suuqa ka doonaya weeraryahan bedela ama lagu nasiyo Luis Suarez kulamada qaar.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa ah midka shaaciyay in Barca ay xiisaynayso inay Camp Nou geyso Lacazette oo shalay uun loo doortay xiddiga ugu wanaagsan kooxdiisa ee xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa la sheegayaa inaysan marnaba doonayn inay Lacazette ka iibiyaan Barcelona amaba koox kale maadaama oo uu manfac weyn usoo yeeshay.

Kooxda ree Spain ayay wararku intaas ku darayaan inay keeni karto farsamo kale oo ay Arsenal ugu bandhigi karaan heshiis xiddigo is dhaafsi waxaana ay u bandhigi doonaan Andre Gomes iyo Samuel Umtiti si ay uga helaan Lacazette.

Lama oga go’aanka shaqsiga ah ee Lacazette uu qaadan doono iyo haddii uu aqbalayo inuu u wareego dhinaca Barcelona oo ah meel aan looga balanqaadi karin inuu boos joogto ah ku heli doono shaxda koowaad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker