SHACABKA HARGEYSA OO MADAXWEYNAHA KA DALBADAY SOO CELINTA WARSHADDII LAYDHKA DAWLADDA.

SHACABKA  HARGEYSA OO  MADAXWEYNAHA KA DALBADAY SOO CELINTA WARSHADDII LAYDHKA DAWLADDA.

images (1).jpgImage result for warshada laydhka hargeysa

images.jpg
download (1) - Copy.jpg

Sida Laga Warqabo Bishii Ogost Ee Sanadkan Ayay Ahayd Kolkii Madaxweyne Muse Biixi Soo Saaray Wareegtada Uu Dib Ugu Soo Celinayo Gacanta Dawladda Haamihii Kaydka Shidaalka Oo Madaxwaynihii Hore  Ku Wareejiyay  Xubno Ka Mid Ah Ganacsatada Dalka Iyo Parkinka Madaarka Hargaysa .

Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Somaliland Ayaa Ku Bogaadiyay Isla Markaana Talaabadan Ku Tilmaamay Mid Loo Qaaday Dhinaca Horumarka,Waxayse Dhamaan Masuuliyiintii Iyo Shacbigii Ka Hadlay Xujo Kaga Dhigeen Madaxweynaha, Haddii Ay Dhab Ka Tahay Inuu Hantida Guud Kusoo Celiyo Gacanta Dawladda,Ay Ku Xaqiiq Sanayaan  oo keliya ,Kolkuu Soo Celiyo Warshadii Korontada Hargaysa Oo Ka Mid Ahayd Adeegyadii Aasaasiga U Ahaa Nolosha Bulshada.

Hadaba Iyadoo Tan Iyo Wakhtigii Wareegtadaasi Soo Baxday  ay kasoo wareegtay  muddo haatan Saddex Bilood Laga Joogo,ayaananay Wax Tallaabo Ah  oo  uu ka   Qaaday Madaxweynuhuna Jirin,Warshadii Laydhka Caasimada Ee Soo Celinteeda Ay Codka Dheer Iyo Baaqyada Culus Ugu Direen Madaxweyne Biixi, Sidii Uu Gacanta Dawladda Ugu Soo Celin Lahaa,Taasi Oo Ay Sheegayaan Inay Bixin Jireen Qiimo Caqli Gal Ah,Koronto Fiicana Ka Heli Jireen.

Qaar Ka Mid Ah Dadweynaha hargaysa  Waxay Kuu Sheegayaan Inay Dareemeen,In Aanay Madaxweynaha Nasteexo,Iyo Danta Bulshada Oo Uu Eegayo Ka Ahayn   Soo Celinta Haamuhu,Balse Ay  U Arkaan Nin Xukuumadiisa Dhaqaale U Doonayay, Ama Ujeedadu Ka Ahayd Ku Xumaynata Madaxweynihii Ka Horreeyay.

“Haddii Aanay Sidaasi Ahayn,Maxay Tahay Sababta Madaxweynuhu Ilaa Maanta Oo Saddex Bilood Kasoo Wareegtay  Wakhtigii Uu Soo Saaray Wareegtada Haamaha  Uu Ugu  Soo Celin Waayay Dadka  Warshaddii Laydhka Oo Dadwaynaha Uga Muhiimsanayd HAAMAHA,Haddii Uu Danta Ummadda Eegayo,Isla Markaana Noogu Daawanayaa Shirkadaha Dhiig Miiratada Ah Ee Iyagoo Laydhkii Dawladda Haysta,Bil Kastiba 50 Ama 80ka Dollar Ku Soo Dalacaya Qof Danyar Ah,Ama Shaqaale Dawladeed Ah Oo Gebigiisuba Mushahar U Qaata 50 Doolar”…Sidaasi Waxa Tidhi Hooyo  Gaasira Cabdi Oo Ka Mid Ah  Bulshada Ku Nool  Xaafada Octoobar Ee Magaalada Hargaysa.

Tiro Badan Oo Ka Mid Ah Bulshada Caasimada Ayaa Iyaguna Mid La Mid Ah Fikradaasi Qaba,Oo Si Weyn Qaylo Dhaan Uga Muujinaya Qiimaha Laydhka Shirkadda SOMA POWER Oo Ay Kuu Sheegayaan Inay Dhibaato Weyn Ku Qabaan.

Waxa si  weyn xusuusta dadka ugu soo maaxanaysa  ballanqaadkii Madaxweynaha Talada Haya Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Xigeenka Zaylici Oo Labaduba Goob Joog Ka Ahaa Xafladdii Wareejinta Warshada Korontada,oo midna gudoomiyaha kulmiye ahaa zaylicina madaxweyne xigeen ahaa,Hadal Af Gobaadsi Ah  Oo Ay Madasha Ka Sheegeen Kuna Muujiyeen,Inay Ganacsatada La Wareegtay Wakaalada Korontada Ka Heli Doonaan Laydh Qiimihiisu Aad Uga Hooseeyo Kii Hore Isla Markaana Ku Heli Doonaan halkii UNIT  $0.3 Taasina Ay weliba Xukuumad Ahaan Ku Daba Joogi Doonaan Shirkadda,Muddo Ka Dibna Uu Kaba Sii Hoos Mari Doono 0.3-gaas.

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxa Maalinba Maalinta Ka Danbaysa Isa Soo Taraysa Cabshada Bushada Caasimaddu Ka Muujinyaan Qiimaha Xad Dhaafka Ah Iyo Tudhaale La’aanta Shirkaddaha Laydhka Siiba SOM POWER,Oo Ay  Ku Tilmaameen Dulmi Aanay Haysan Dawlad Ka Qabata.

Cabdi cali sugaal(xarago)..hargeysa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker