Maxaa ka jira In Buugga Ex_ Madaxwayne Axmed Siilaanyo Ay Ka Muuqdaan God daloolooyin dhanka Xasuusta ah , Kuwaas oo hore Ugu Xusnaa Buugii uu Qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan

Hargeysa (OWN)- Madal Ballaadhan oo xalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa waxa lagu soo bandhigay Buugga AXMED SIILAANYO oo lagu soo ururiyay taariikhdii nololeed, Halgan,

iyo Hogaamineed ee Madaxweynihii horeee Somaliland Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kaasi oo xambaarsan dhacdooyin waaqici ah oo gaar ahaan Axmed Siilaanyo iyo guud ahaanba qaranka u soo maray.

Buuggan oo uu soo ururiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland marka laga timaad taariikhda mugga weyn leh ee buuggan ku duuggan oo aynu dib ka falan qayn doono waxa xalay dadkii bandhigga buugga ka qayb galay ee nuqullo ka mid ah buuggani soo gaadhay aad u hadal hayaan sadar buuggaasi ku xusan oo Xildhibaan Cartan ku sheegayo in Isha ugu muhiimsan ee taariikhda Buuggan laga soo qaatay Xaaska Madaxweyne Axmed Siilaanyo Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde taasi oo la’aanteed aanu buuggani soo baxeen maadaama buu yidhi qoraaga buuggu xusuusta Axmed Siilaanyo aanay wakhtigan wanaagsanayn oo aanu wax badan oo hore u soo maray xusuusan karin.

“Il-wareed aad u qiimo badani waxa uu ka yimid Marwada Axmed Siilaanyo ee Aamina Waris Shiikh Maxamed Jirde. Waxa aan aaminsanahay in aan La’aanta Aamina Waris Buuggani u suura galeen qaabka uu u yaal. Kaalinta Aamina Weris ee qoraalka buuggani aad ayuu u muhiim ahaa.

sababta oo ah markii aannu qoraalka buugga ku tallaabsanay Xusuusta Axmed Siilaanyo aad uma wanaagsanayn mana uu xasuusan karayn tafaasiil badan oo ku saabsan xilliyo waa hore tagay oo habaaska wakhtigu fuulay” …sidaa waxa lagu yidhi qaybo ka mid ah buuggan xalay soo baxay.

dhawaan ayay ahayd markii Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan uu soo saaray Buug uu ugu magac daray MIYI ILLAA MAGAALO oo qaybo ka mid ah buuggaasi uu ku xusay in aan xusuusta Madaxweynuhu wanaagsanayn balse taasi dhalisay in ay dad badani ku dhaliilaan Hogaamiyaha gaar ahaan xubnaha iyaguna ka ag dhawaa Axmed Siilaanyo.

in badani waxa ay qaab beelaysan Hogaamiye Xirsi ugu dhaliileen in uu wax ka sheegay Caafimaadka Axmed Siilaanyo kuwo kalena qaab siyaasadaysan ayay dooneen in ay Xirsi ugu leexiyaan eed ah in uu khiyaameeyey saaxiibkiisii ugu dhawaa taasi oo xalay noqotay mid uu markhaatigeeda furay buugga Axmed siilaanyo.

 

Suxufi Sinyoore

Oodweynenews Hargeysa
webmaster@Oodweynenews.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker