Nin Hubaysan Oo 10 Qof Ku Dilay Gobolka Colorado Ee dalka Mareykanka.
Nin hubeysan ayaa dilay 10 qof oo uu ku jiro askari ka tirsan booliiska ka dib markii is rasaaseyn socotay saacad oo ka dhacay suuq ku yaala gobolka Colorado ee dalka Mareykanka.
Toogashada ka dhacay magaalada Boulder ayaa waxaa ugu dambeyn soo afjaray booliiska oo xidhay qof dhaawac ah oo looga shakisan yahay in uu ka dambeeyay weerarka suuuqa King Soopers.
Weerarka oo toos looga daawanayay barta Youtube ayaa bilowday markii nin hubeysan uu soo galay suuqa ka dibna uu rasaas ku furey dadka.
Taliyaha booliiska magaalada Boulder Maris Herold ayaa xaqiijisay in mid kamid ah askarta booliiska uu ku dhintay toogashada, iyadoo tuhunsanaha oo dhaawac ah lagu daweynayo isbitaalka.
Guddoomiyaha gobolka Colorado Jared Polis ayaa sheegay in uu murugada la qeybsanayo dadka gobolka ee dhibaatada ku dhacday.