Kuuriyada Waqooyi Oo Otto Warmbier u gudbisay qaansheegad dhan 2m oo doolar
Waxaa lagu soo warramayaa in Kuuriyada Waqooyi ay Mareykanka u gudbisay qaansheegad dhan 2m oo doolar oo ah daryeel caafimaad oo loo fidiyay arday dalkaasi u dhashay oo lagu magacaabo Otto Warmbier.
Warmbier ayaa waxaa lagu xiray Kuuriyada Waqooyi bishii Diseembar 2015 xilli uu safar la qorsheeyay halkaas ku tegay kaddibna waxa uu dhintay markii dib loogu celiyay waddanka Mareykanka xilligaas oo uu dareenkii ka tegay kaddib 17 bilood oo xabsi lagu hayay.
Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay dalbatay in la bixiyo qaansheegadka isbitaalka ka hor inta aanan Warmbier loo ogolaan inuu dib ugu laabto dalkiisa.
Sikasta oo uu xaal ahaadaba, ma ay cadda in qaansheegadkaas la bixiyay iyo inkale xilli Aqalka Cad uu diiday inuu wax hadal ka bixiyo warbixinta.
“Kama hadalno wadahadallada la xiriira dad la qabsaday, taasna waa sababta maamulkan uu guusha u gaaray,” Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa sidaasi ku sheegtay bayaan ay Khamiistii u dirtay warbaahinta CBS.
Ninkii Mareykanka ku matalayay dib u soo celinta Warmbier ayaa waxa uu saxiixay dalabka ah in la bixiyo kharashka caafimaad ee ku baxay ninkaasi, amarkaas oo uu bixiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxaa sidaasi sheegay wargeyska The Washington Post, isagoo wargeysku uu soo xigtay laba qof oo arrintaas ku lug lahaa.
Qaanta loo haysto Warmbier ee aheyd daryeel caafimaad oo loo fidiyay ayaa waxaa la sheegay in loo diray Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka.
Sarkaal hore uga tirsanaan jiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa waxa uu warbaahinta CBS u sheegay in Mareykanku uusan weligii bixin amaba uusan danaynayn inuu bixiyo $2m ee doolar, walow Joseph Yun, oo xilligaas hogaaminayay dadkii Mareykanka ku matalayay Kuuriyada Waqooyi uu aqbalay qaansheegadka.
Sarkaalka hore ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in aqballaadda qaansheegadku ay dhacday xilligii Xoghayihii hore ee Mareykanka Rex Tillerson, kaas oo danaynayay inuu wadahadal la furo Kuuriyada Waqooyi.
Ila wareedka aanan la magacaabin ayaa sheegay in Mr Tillerson uu ka warhayay xaaladda culus ee uu ku sugnaa Warmbier, ama ay arrintaasi u horseedday khibrad la’aantiisa siyaasadeed.
Wargeyska The Washington Post ayaa ahaa warbaahintii ugu horraysay ee tabisa qaansheegadka.
Warmbier ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu astaan ka xaday hoteel isaga iyo arday kale ay ka deganaayeen magaalada caasimadda ah, waxaana lagu xukumay 15 sanadood oo xarig ah oo uu wajahayo shaqo adag.
Markii dib loogu soo celiyay waddanka Mareykanka kaddib 17 bilood oo xabsi lagu hayay, wiilkan ka soo jeeday gobolka Ohio waa uu miyir daboolnaa waxaana haystay dhibaato maskaxda ka soo gaartay.