Qaraxyo Ba’an Oo Ka Dhacay Dalka Srilanka
Ugu yaraan 100 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay kaniisado iyo iyo hoteello ku yaal dalka Sri Lanka.
Ilaa lix qarax ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen kaniisado iyo hoteello ku yaal dalkaasi, xilli lagau guda jiro ciidda Masiixiga ee Easter.
Qaraxyada ayaa la sheegayaa in ay ka dhaceen kaniisado ku yaal degmooyinka Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa.
Saddex qarax oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen hoteellada Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo dhammaantood ku yaal bartamaha magaalada caasimadda ah ee Colombo.