Waardiye qasaariyay dasaarad labaatan sano la waday.
Nin waardiye ah ayaa qasaariyay daraasad aan hore loo arag oo Mareykanku ku howlanaa muddo ka badan 20 sano, kaddib markii uu damiyay talaajad ku jirtay goob sheybaar ah oo ay ku jireen waxyaabo aad muhiim ugu ah baaritaanka la waday.
Sheybaarkaasi ayaa yaallay jaamacadda Rensselaer Polytechnic oo ku taalla New York.
Waardiyaha ayaa sababta uu sidaas u sameeyay ku sheegay, inuu shanqar ka maqlay qolka sheybaarka gaar ahaanna dhanka talaagadu taallay, shanqartaas oo ahayd mid uu aad u dhibsaday , sida laga soo xigtay warbixin ay qareenada u gudbiyeen maxkamad ku taalla New York.
Daraasaddan la waday, ayaa la sheegay inay ku baxday kharash aad u fara badan.
Shirkadda shaqaaleysiisay waardiyahaasi ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arrintan.