Madaxweyne Muuse Biixi oo Xilka Qaadis la Beegsaday dhamaan Masuuliyiintii uu uga shakiyay inay La olog yihiin Pro Ahmed Ismaaciil Samater &Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi
Hargeysa(OWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa xilkii ka qaaday masuulkii sadexaad ee ka tirsanaa xukuumadiisa oo uu la xidhiidhiyey inay la saftaan siyaasiyiin xisbiga Kulmiye ka tirsan oo ay is hayaan.
Wasiirkii qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahin Shirwac ayaa noqonaya masuulkii sadexaad ee madaxweyne Biixi xukuumadiisa dibada ka dhigo ka dib markii uu ka qayb galay kulan uu Proff Samatar ku qabtay Hargeysa isla markaana uu hagayey siyaasi Cabdilaahi Geeljire.
Labadan siyaasi ee Proff Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cabdilaahi Geeljire ayaa ka mid ah xubno ay is hayaan madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku kala aragti duwanaadeen siyaasada uu ku hogaaminayodalka.
Proff Samatar ayaa wakhtiyo kala duwan soo bandhigay dhaliilaha uu u hayo madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa halka Cabdilaahi Geeljire laga saarayba xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale gudoomiyihii hore ee hay’adda shaqaalaha dawlada Sharmaarke Axmed Muxumed oo isaguna goob joog ka ahaa kulanka Maxamuud Xaashi balse aanay kamaraduhu qaban ayuu madaxweyne Muuse Biixi si weyn hoos ugu dhigay kaalintii uu kaga jiray xukuumada, isaga oo ka qaaday xilkii uu hayey isla markaana ka dhigay safiir ku xigeenka somaliland ee Kenya.
Talaabooyinka uu madaxweyne Muuse Biixi xilka kaga qaaday masuuliyiintan ayaa loo fasirtay mid aargudasho ah, isla markaana uu xukuumadiisa kaga sifaynayo cid kasta oo la safata kaadiriinta ay is hayaan ee xisbiga Kulmiye.
OODWEYNENEWS OFFICE HARGAYSA : BY Suxufi Sinyoore