Ururka Al-Shabaab Oo Sheegtay inay Weerarkii Maanta ee ay Madaafiicda ku Garaaceen Muqdisho ku wax yeeleeyeen Safaaradda Itoobiya Ee gudha Villa Somalia

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarka hoobiyeyaal ay ku garaaceen agagaarka madaxtooyada Somaliya, waxayna sheegeen inay mid ka mid ah madaafiicda ay la heleen Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Vill Somalia gudaheeda.

Al-Shabaab ayaa sheegay inaysan weli helin xogta ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaan oo Maanta laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii Al-Shabaab ayaa tilmaamay in weerarkaan uu qeyb ka yahay weerarada ay ku hayaan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamda AMISOM.

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin weerarka madaafiicda ee lagu qaaday Xarunta looga taliyo Soomaaliya oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay hoobiyeyaashaasi, waxaana dad ku sugan goobaha ay sheegeen in casbi soo wajahday, kadib markii ilaa sadax madaafiic kusoo dhaceen xaafadooda, halka uu mid ka mid ah uu ku dhacay dhismaha safaaradda Itoobiya oo ku dhegan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker