Xiisada adag ee u dhaxaysa wadamada Hindia iyo Pakistan.

Ciidamada dalka Hindiya ayaa dhigooda dalka Baakistan ku eedeeyey in ay  rasaas kusoo fureen ciidamada ilaalada xuduudka gobolka muranku ka taagan yahay ee Kashmiir.

Sarkaal magaciisa la qariyey oo ka tirsan ciidamada dalka Hindiya una waramaayey warbaahinta NDTV ayaa sheegay in ay ciidamada dalka Baakistan jebiyeen xabad joojintii hore loo dhex dhigay labada ciidan, iyaga oo rasaas kusoo furay degmada Booj ee gobolka Jammu oo ka tirsan degaanka muranku ka taagan yahay ee Kashmiir.

 

Labada dal ayaa hore xabad joojin loo dhex dhigay kadib markii ay weeraro isku qaadeen labada ciidan ee labada dal, weeraradan ayaa ka dambeeyey kadib markii koox hubaysan oo fadhigoodu yahay Baakistan weerar ku qaadeen ciidamo reer Hindiya ah 14 bishii Febarweriy ee sannadkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker