Ciidamada Somaliland Ee Ku Sugan Tukaraq Oo Cabasho Lasoo Deristay Iyo Sababta ?

Wararka ka imanaya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ee halkaasi ku sugnaa ay ka sameeyeen   gadood .

 

Sababta Ciidamada Somaliland ay Gadoodka u sameeyeen ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay,kadib markii ay dalbadeen in ay ka iska difaacaan weeraro ciidamada somaliland ay soo qaaday Jabhad lagu magacaabo SSC,hayeeshee ay ka hor-yimideen Jawaabtii ay bixin lahaayeen Taliyeyaashooda.

 

Shalay subax waabarigii hore ayey Ciidamada isaga baxeen Fariisimo ay ku lahaayeen deegaanka Tukaraq,isla markaana waxaa la sheegay inay doonayeen in Jawaab cad ka bixinyaan dagaal habeen kahor ay kusoo qaadeen Jabhadda SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug,kaasi oo weli la shaaciyay khasaaraha uu geystay.

 

Saraakiisha hogaamineysay Ciidanka gadoodka sameeyay ayaa tilmaamay in hadii ay weerarkaas Jawaab ka bixiyaan ay dhalan karto xiisad sababta dagaal beeleedyo.

 

Wararkii ugu dambeeyay saaka laga heleyo deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool gaar ahaan goobihii shalay ay baneeyeen Ciidamada  Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaa , dib loogu soo celiyay xalay halkaasi kabaxay Ciidankii.

Oodweynenews

Sanaag Office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker