War Deg Deg ah :- Laba Taliye Ciidan Oo Iminka Lagu Dilay Deeganka Garadag Ee Gobalka Sanaag
Hargeysa (OWN):- Warar hadda nagasoo gaadhaya shabakada oodwaynnews ee deeganka Gar Adag ee gobalka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in la dilay taliyihii Xabsiga Gar Adag iyo Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska degmada Gar Adag
Labadan taliye ee la dilay ayaa la sheegay in magaalada Gar Adag kaga baxeen qaab dhuumasho ah kadib markii magaladaasi ay ka bilaabmatay mudaharaad-yo lagaga soo hor jeeda muwaadin magaaladaasi u dhashay oo shalay ku dhex dhintey xabsiga magaalada Ceerigaabo
Wararka ayaa sheegaya in labadan taliye ay dileen meelishiyaad beeleed ka soo jeeda reerka uu ka soo jeedo marxuumka shalay dhintey kuwaas oo u galay deeganka Bancade oo u dhaxeeya Gar Adag iyo Magaalada OOG
Faah Faahin Goor Dhaw Kala Soco oodweynemedia