Al-shabaab oo weerar ku qaaday hotel ku yaalla magaalada Kismaayo
Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar lala beegsaday hotel ku yaalla magaalada, waxaana weerarkan durba masโuuliyaddiisa sheegtay ururka Al-Shabaab.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu ku bilowday qarax, kadibna rasaas la maqlay.
Goobjooge ku sugan Kismaayo ayaa u sheegay VOA in weerarka lala beegsaday hoteelka Tawakal oo ku yalala waddada aadda dekedda magaalada Kismaayo.
Ilaa hadda ma cadda khasaaraha weerarkan.