Jadwalka Doorashooyinka Soomaaliya  Ee 2020/21 Oo Si Rasmi Ah Loo Shaaciyay

Waxaa daqiiqado kahor si rasmi ah loo soo saaray Jadwalka Doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacaya, kadib markii ay heshiis ku gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Jadwalka lasoo saaray ayaa waxaa lagu shaaciyay xiliyada ay dhacaan Doorashooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dalka iyo tan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka.

Doorashada Senatada Golaha Aqalka Sare ayaa dhaceysa inta u dhexeeysa 1-da bisha December ilaa iyo 10-ka bishaas 2020, halka Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka la qabanayo inta u dhexeeysa 10-ka ilaa 27 December.

Ugu dambeyn Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la shaaciyay inay dhici doonto 8-da Febraayo ee sanadka soo socda ee 2021-ka, waxaana doorashada ay ku dhaceysaa waqtigii loogu tala-galay, iyadoo meesha uu ka baxay muddo kororsi laga cabsi qabay.

 

Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashooyinka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker