UK oo qaadi doontaa tillaabo ay kaga jawaabayso geerida Navalny
Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK ayaa sheegay in UK ay “qaadi doonto tallaabo” ka dib geeridii Navalny ee ku dhintay xabsiga Ruushka.
Isagoo ka hadlayay shirka amniga ee Munich saaka, Cameron waxa uu yiri “waa in ay cawaaqib xumo ka dhalataa” geerida siyaasigaas, oo tan iyo 2021-kii lagu hayay xabsi Ruushka ku yaalla ah oo lagu eedeeyay arrimo siyaasadeed.