Maxaa Ka Jira In Ay Kulmayaan Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Maddax-da Xisbiyadda Qaranka

Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu dhawaan kullan layeelan doonno maddax-da Xisbiyadda Qaranka Somaliland,kaas oo si weyn loo sugo, isla markaana looggu dhegtaagayo qabsoomidiisa.

Kullankan ayaa la filayaa inuu qabsoomo maal-maha soo socda ka hor inta aanu Madaxweyne Biixi u safrin dalka Maraykanka,waxaana la sheegay in Madaxweynuhu uu iskugu yeedhayo madax-da Xisbiyadda Qaranka,isla markaana loo ballansan yahay kullankaas haddii aanay wax is beddelin.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ahna Musharraxa Madaxweyne ee Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay ayaa sheegay in kullankaas ay u ballansan yihiin madax-da Xisbiyadda Qaranka iyo Madaxweynuhu,waxaanu sheegay inuu qabsoomayo ka hor inta aanu Madaxweyne Muuse safarka ugu bixin dalka Maraykanka “Annagu Madaxweynaha waxa aanu ka sugaynaa ballantii uu noo qaaday ee ahayd in inta aanu tegin in la kulmo .”ayuu yidhi Faysal Cali Xuseen

Dhanka kalena Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlayey kullankii dhex-maray guddida doorashooyinka iyo saddex-da Xisbi Qaran maalintii axadii toddobaadkan,waxa uu sheegay “Waa Barmaamiji fiican May ilaa july oo diiwaangelintii ah oo sifiican oo tafatiran loo samaynayo,iyagoo ka faa’iidaysanaya khaladaadkii hore iyo turun turadii hore ee aynu la kulanay,markaa kullankaas wuxuu ku soo dhammaaday si wanaagsan iyo is afgarad ”ayuu yidhi Faysal

Waxa uu intaas ku sii darray “waxay noo sheegeen Komishanku in doorashooyinku sida ay u soo kale horeeyaan loo qaban doonno.”ayuu yidhi

Si kastaba aha ahaatee kullankan ayaa ah mid si weyn loo sugayo qabsoomistiisa,balse waxaynu dhawrnaa waa qabsoomida kullankaas iyo maal-maha soo socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker