Tageerayaasha Xisbiga Waddani oo Burco Iskugu Soo Baxay
Taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani G.Togdheer oo isugu soo baxay xarunta xisbiga ee magaalada Burco ayaa taageeray hadalkii musharax Cirro uu heeganka ku galiyey taageerayaasha Xisbiga.
Sidoo kale taageerayaashan tirada badan ayaa madaxweyne Biixi ugu baaqay in uu doorashada madaxtooyada xiligeeda ku qabto.