Qaraxa Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Warar magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inย Qarax xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al Mukarama.
Qaraxan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday Maqaaxida Bilsan oo dad shacab ah ay isugu yimaadaan.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan, sida ay laamaha ammaanka inoo sheegeen, inkastoo tirada rasmiga ah aan la ogeyn.
Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta, waxayna xireen aagga uu qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah.
Ilaa hadda dowladda Somaliya faah faahin rasmi ah kama aanay bixin khasaaraha qaraxan iyo ujeedada laga lahaa.
Qaraxan ayaa ku soo aaday xilli maanta ciidamada ammaanka ay xireen inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo Sabtidii waxaa si joogto ah uga dhacaya Qaraxyo, iyada oo weli aysan jirin talaabo ay qaadeen laamaha ammaanka.