Madaxweyne Trump Oo U Saxeexay Yuhuuda Israel Lahaanshiyaha Buuraha Golan Oo Ahaa Dhul Ay leedahay Suuriya

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald John Trump ayaa xalay  u saxeexay  lahaanshiyaha Yuhuuda  Israel ee buuraleyda Golan ay yeehaan, iyadoo uu isbarbar taagan yihiin  ra’iusl wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

 

Donald Trump oo ka hadlaya saxiixaas  kadib ayaa sheegay in arrintan la qorsheynayey in muddo ah, dhankiisa waxaa uu Netanyahu u tilmaamay mid taariikhi ah.

 

Golan waa dhul ay leedahay Suuriya, waxaa ay cadawga yuhuudu ka qabsadeen carabta  dagaalkii June 5, 1967, waxaana lagu qiyaasay 1,800 km².

 

Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalal ka aamusay masiirka Golan, iyada oo ka hortimid go’aanka Carabta iyo dalalka Islaamka.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker