Dhacdooyinka Yaabka Badan Ee Ka Dhaca Wadooyinka Magaalada Hargeysa

Tani Waa Dhacdo aan Dad-qiiqado ka hor kula kulmay Waddada Weyn ee Suuqa Hargeysa dhex marta gaar ahaan Laamiga Xarunta SOMTEL ee EX. 26 June halkay ku ooli jirtay dhinaca Koonfureedka marta.
Waxa wadadaasi Labada Haad ah Haadka Dhinaca Waqooyi oo aan Lug goor dhawayd ku maraayay halkaasi aan kula Kulmay dhacdo Foolcumo badan oo Nin Gaadhi SukiSuki aan u malaynaayo Noociisu in uu ahaa oo Wadadaasi maraayey Watay ayey Arin dadkii aankq midka ahaa ee Jidkaasi maraayey ka fajicisay halkaasi ku qabsatay.
Arintan oo ahayd in Gaadhi Nooca yar yar ee Dukhaanka loo yaqaano ah uu Jidkaasi Si Badheedha u jaray isaga oo Waddadii uu maraayey ee Gaadiidka kalena dabasocday dhex Istaagay isla markaana Nin kale oo Khamiis Cad gashanaa oo Dhalinyaro ah oo Daaqada u taagnaa uu iskala sheekaysanaayey Ninkaasi Waddada gaadiidku maraayey gooyey ee aanay kaba qaysnayni.
Markay halka marayso ayaa dhawr gaadhi oo kuwii Tagsigan Dukhaanka ahaa ee Waddada Ninka ku dhex sheekaysanaaya ee Gooyey kuwii ka dambeeyey ahaa’ ayaa Qayladda iyo Sawaxanka Hoonka Gawaadhidooda mar qudha (Biiiiiiiib)ta wada yeedhiyey ka dib aniga oo arkaaya siday wax u socdaan ayaan i imid dhinacii Ninku ka taagnaa Darawalka u shewkaynaayey oo waxaan ku Idhi waar wadadii ayaad Jarteen ee maad Baarkinka u baxdaan oo ku wada hadashaan’ markii aan inta ku idhi isaga oo aan iiba Jawaabin ayuu Ninkii gaadhiga wadada Jaray daadaqa u taagnaa ee Darawalka u sheekaynaayey uu inta uu isku qaaday Gaadhigii ka dambeeyey yidhi “waaryaa Hoonka Jooji Cirka mar kama dhaqaaqayo Gaadhigani Wadadee..” kii Gaadhiga Duukhaanka Daarnaana waabu iska Bakhtiistay Gaadhigiisii oo inta uu Furihii kala baxay ayuu Hanjabaad waxaad doonto samee ku yidhi Darawlkii Gaadhiga Ka dambeeyey waday.
Halka markay marayso ee Darawalkii Gaadhiga Suki Sukiga watay inay Iskugu Tagaan damceen Nimankii Dukhaanta Waddada ku gooyey isla markaana Dadbadani ku soo urureen oo kala dhex galay Ninkii iyo Labadii Nin ee isku dhinaca ahaa’ waxaan u dhaqaaqay si aan uga hortago in aan meeshaasi Khasaare u dhex marin Saddexdan Nin waxaana aan u yeedhay 2-ba ka mid ah Askarta Ciidanka Taraafikadda ee Xarunta Shirkadda Telesom iyo CAFETERIA Caddaani ee Suuqa hortiisa Gaadiidka Jidkaasi Afar Ridoodka ah ku kala haga’ waxaana ay 2dii Sarkaal ee Ciidanka Nabadgelyadda Waddooyinku Dirqi kaga badbaadiyeen Labadii Nin oo Farasaaray Doonayaana inay iskugu Tagaan Ninkii ay Waddada ku JareenGaadhigii uu Watay.
In kasta oo ay Arintani Tusaale u tahay dhacdooyinka maalin kasta Waddooyinka iyo Jidadka Hargeysa iyo Magaalooyinka kale ee Somaliland ku yaala’ waxa haboon in Masuuliyad darooyinka noocan oo kaleah Bulshadeena Gaadiidlayda ah ama Wadayaasha gaadiidku ay ka waantoobaan isla markaana ay iska Xil saaraan Xaqsiinta Nidaamka Wado marista intii qof gaadhi Wado ku Jaray uu Mushtqmicii dhamaa ee Waddadaasi dan guud u ahayd Xanibi lahaayeen.
Waxaa qoray Zir Abdiwali Ali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker