Qaraxyo Iyo Is-rasaasayn Ka Dhacday Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, qarax gaari loo adeegsaday ayaa lagu soo waramayaa in lagu weeraray dhismaha Wasaarada ka tirsan Xukuumadda Somaliya.

 

Ilo Wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxa lagu weeraray Wasaarada Shaqada & Shaqaalaha oo ku taallo Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Warar ayaa sheegaya in dabley hubaysan ay gudaha u galeen dhismaha Wasaaradahaasi, halkaasi oo markii uu qaraxa dhacay laga maqlaayay rasaas xoogan.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya ayaa shegay rag hubaysan oo tiradooda aanan la ogeyn inay gudaha u galeen dhismaha Wasaaradda oo ay ku jiraan.

 

Dhawaaqa rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa goobta qaraxa uu ka dhacay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker