Mashruuc Lagu Tayeynayo Waxbarashada Somaliland oo la Shaaciyey inay ku Baxayso $7.68 Milyan
Hay’adda Bahdwaagta caalamiga ah ee dhinaca waxbarashada ee loo yaqaano (The Global Partnership for Education (GPE), ayaa ansixiyey lacag dhan 7.68 milyan oo doolar oo loogu talo-galay inay kaga qayb qaataan, dedaalada xukuumadda Somaliland ku tayaynayso waxbarashada dalka.
Siday faafisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, oo soo xiganaysa warbixin ay soo saartay Hay’adda Save the Children, waxa bahdwaagta caalamiga ah ee dhinaca waxbarashadu ay qoondeeyeen in mashruucaasi laga fuliyo Somaliland, muddo saddex sannadood ah, waxaana la daah-furayaa bishan July 2018 illaa 2021ka.
Barnaamijkan waxa loo asteeyey in kor loogu soo qaado, tirada wiilasha iyo hablaha aan dhigin dugsiyada ee Jamhuuriyadda Somaliland. waxa kale oo barnaamijkan ku jira, nidaam dhiiri-gelinaya in carruurta xili hore la qoro dugsiyada waxbarashada.
Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in bahwadaaagta caalamiga ah ee waxbarashada iyo Hay’adda Save the Children, ay dawladda Somaliland, kala shaqaynayaan, tayaynta waxbarashada, si Somaliland u hawaysato horumar iyo mustaqbal wanaagsan.
Sidoo kale, madaxa fulinta ee Bahwadaagta caalamiga ah ee waxbarashada ee GPE, Alice Albright, ayaa ku ammaanay Somaliland, in ay samaysatay qorshaha dheer ee dhinaca waxbarashada, sidaas darteedna ay taageerayaan, sidii loo fulin lahaa qorshahaas.
Warbixintan waxa lagu xaqiijiyey inay kordheen tirada hablaha dhigta dugsiyada hoose iyo sare ee Somaliland.
Arrintani waxay ku soo beegantay iyada oo fadhigii shalay ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ay go’aamiyeen in awoodda la saaro, tayaynta waxbarashada, hirgelinta dugsiyada farsamada gacanta iyo kor u qaadista tababarada macalimiinta dalka.