Nin Laga Masaafurisay Imaaraadka Kadib Markii Uu U Dabaal-degay Muslimiintii Lagu Dilay New Zealand

Nin u shaqeynaye Shirkadda Transguard ee dalka Imaaraadka ayaa shaqadii laga ruqseeyey, kadibna laga masaafuriyey dalkaasi sababo la xidhiidha isagoo u dabaal-degay dadkii Muslimiinta ee Jimcihii la soo dhaafay lagu xasuuqay 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

 

Ninkaasi oo aan magaciisa iyo dalka loo masaafuriyey aan la shaacinin ayaa la sheegay inuu bartiisa Facebook-ga ku qoray hadalo uu taageero ugu muujiyey Gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay, una dabaal-degay Muslimiinta lagu laayey Toogashadaasi.

 

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay bixisay Amarka lagu masaafuriyey Ninkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker