Wasaaradda Waxbarashada JSL Oo Ka Hor-timid Diwaagelin Wasaaradda Diintu Ku Waddo Madaariista Qur’aanka Kariimka Ah Ee Dalka

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa muddo bil ka badan ka hor bilowday inay diwaangeliso Madarradaha lagu barto Qur’aanka kariimka iyo Culuumta Diinta Islaamka ee ka shaqeeya Dalka, waxayna dhawaan sheegtay inay gebogabo ku dhowdahay Diwaangelinta Madarradaha Hargeysa ku yaalla, markaasi ka dibna ay u gudbi doonaan Gobollada ka baxsan Caasimadda Hargeysa, laakiin Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Cismaan Jaamac Aadan ayaa sheegay in Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu qaadday Tallaabo khalad ah isla-markaana ay shaqadii Wasaaradda Waxbarashadu ay Dalka ugu idmanayd ay hadda gacanta ku hayso, iyagoo taa ka hor-tagayana ay Wasaaradda Diinta u qoreen Warqad ay kaga dalbanayaan inay joojiso diwaangelinta Madaariista.

Wasiir Cismaan Jaamac Aadan oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waa in Hay’ad waliba shaqada ay Qaranka u hayso ay ta kale ku ixtiraamto, sidaas ayuu waddanku ku dhismayaan, laakiin in laba Hay’adood oo labaduba ay Waddanka u shaqeeyaan ay iskaga hor-yimaaddaan arrin mid loo xil-saaray maaha, waanuna ka xunnahay, waanuna u qornay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta inay arrintaasi joojiyaan, laakiin Warkii u dambeeyay ee aan ka akhriyey Jaraa’idku wuxuu ahaa in marka ay dhameeyaan Diwaangelinta Madarradaha Hargeysa oo wax yari ka hadheen, haddana ay gudbayaan Gobollada, waanu kala hadalnay, laakiin uma muuqato inay halkaa isku taagayaan. Waxaan filayaa in Maanku shaqeeyo oo Cid walba shaqadii uu Qarankani u idmaday loo daayo…”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker