Dawladda Kenya Oo Baadi-goobaya Xubno Ka Tirsan Al Shabaab
Nairobi (OWN) – Laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa baadi goob ugu jira laba nin oo loo heysto in ay ka tirsanyihiin Al Shabaab, kuwaas oo ka baxsaday laanta la dagaalanka Argagixisada ee dalkaasi.
Taliyaha Booliska deegaanka Kwale Tom Odero ayaa sheegay in labada nin ee baxsaday ay ka soo jeedaan dalka Kenya, laguna kala magacaabo Juma Mwengo iyo Salim Mohamed.
Warbaahinta gudaha Kenya ayaa laga soo xigtay in labadaasi nin loo xidhay eedeymo la xidhiidha Argagixisanimo, iyagoo jooga magaalada Mombasa ,balse xilligaasi lagu sii daayay.
Sidoo kale Tom Odero ayaa xusay in labada nin ee baxsaday ay dalka Kenya ka soo galeen dhinaca Soomaaliya, iyagoo soo maray deegaanka Lamu ee woqooyi bari dalkaasi Kenya.
Labada qof ee loo heysto in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab ayey sheegtay laanta la dagaalanka Argagixisada Kenya in ay wax ku soo barteen dalka Turkiga,islamarkaana ay tababar milatari ku soo qaateen dalka Siiriya.