Sarkaal Ka Tirsanaa Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya Oo Kamid ahaa Dadkii Ku Dhintay Shilkii Diyaarada Itoobiya
Muqdisho(OWN)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Xasan Cali Khayre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facbooga wuxuu ku xaqiijiyay in Sarkaal ka tirsanaa xafiiskiisa uu ka mid ahaa dadkii maanta ku dhintay Shilkii diyaaradeed ee shirkadda Itoobiyan Air.
Sarkaalka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Maxamed Shahaad ayaa ka tirsanaa qaybta maamuuska ee Xafiiska Ra’isul Wasaare Khayre.
“Ra’isul Wasaare Khayre iyo dhammaan bahda xafiiskiisa waxay tacsi u dirayaan eheladii uu ka baxay marxuum Cabdishakuur Maxamed Shahaad oo kamid ahaa howlwadeennada xafiiska RW. Marxuumku waxa uu kamid ahaa dadkii ku geeriyooday diyaaradda Ethiopian Airlines ee maanta dhacday” ayaa lagu yiri qoraalka Ra’isul Wasaaraha.
Ilaa 157 qof oo u kala dhashay wadamo kala duwan ayaa ku geeriyooday shirlka diyaarada Itoobiyan airline oo ka dhacay duleedka caasimadda Itoobiya ee Adis-ababa. Diyaarada ayaa ku soo jeeday magaalada Nairobi.
Dhinaca kale, Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa dowladda Itoobiya uga tacsiyeeyay Dadka ku geeriyooday shilka Diyaaradeed.