Madaxwaynaha Somaliland oo Noqday Saaxiibka Ugu Wayn ee Dawladda Ruushku ku leeyahay Bariga Africa

Hargeysa (OWN) ―Wargeyska The Indian Ocean ayaa baahiyey qormo ku saabsan socdaalkii Madaxweyne Muuse Biixi uu ku tegay caasimada dalka Gini ee Conakry, kaasi oo sida uu sheegay uu ku lug lahaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

 

The Indian Ocean ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi markii uu la kulmay Madaxweynaha Gini Alpha Conde, ay isla soo qaadeen Xidhiidh  cusub oo Somaliland la yeelato dalka Ruushka, taasi oo uu dalbaday madaxweyne Putin.

 

Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Biixi iyo Alpha ay isla qaaten in Somaliland saldhig milateri siiso dalka Ruushka, isagoona xusay in Alpha Conde uu madaxweyne Biixi ku dhiirigeliyay inuu Xidhiidh  dhow la yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir putin.

 

Wuxuuna intaas raaciyay Wargeysku in Mr. Zhogng Jianhua oo ahaa wakiilkii dowladda China u qaabilsanaa Arimaha Afrika sannadihii 2012-2016, oo uu sheegay inuu hadda yahay la taliyaha madaxweynaha Ruushka ee arrimaha Afrika uu muddooyinkii u danbeeyay Xidhiidh  is daba jooga la lahaa madaxweyne Biixi si uu ugu qal-qaaliyo inuu aqbalo in Ruushku saldhig milateri ku yeesho Somaliland.

 

Ruushka ayaa hore iskugu dayay inuu saldhigyo ka samaysto Wadamo ay ka mid yihiin Suudaan, Erateria iyo Djabuuti, balse hadda wuxuu u muuqda inuu Somaliland u soo guurayo oo uu qorshaynayo inuu saldhig ka samaysto deegaanka Saylac. Maadaama ay Somaliland kaga fiican tahay Xagga Istaraatiijiyadda .

 

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Conakry ee dalka Gini ay tallaabooyinka danta u ah Somaliland qaaday, kadib markii ay aragtay dalal kale oo Midowga Afrika ka tirsan oo indhaha ku haya dowlada aan weli la aqoonsan ee Somaliland.

 

Sida uu Wargeysku sheegayo Madaxweyne Alpha conde ayaa dowladda Itoobiya u tilmaamay in dalalka Senegal iyo Niger ay taageersan-yihiin qadiyadda Somaliland oo ay taageeri doonaan mooshin dan u ah qadiyadda madax-bannaanida Somaliland.

Wargeyska ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in dalalkani ay dedaaladoodan siyaadadeed iyo milateri uga dan leeyihiin fursado ganacsi oo iyaga u muuqda.

Wuxuuna intaasi ku daray Wargeysku in madaxweyne Biixi intuu uu socdaalka ku joogay dalka Gini uu booqday dhowr xarumood oo ah kuwa macdanta.

Ugu dambeyntiina, waxa uu Wargeysku soo hadal qaaday in dawladda Somaliya ay Xidhiidhkii u jartay dalka Gini ka dib markii uu dalkaasi uu soo dhawayn iyo qaabilaad u sameeyay Madaxweyne Biixi.

Waxaa soo Turjumay

 

Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker