Waalidiinta Somalida Ee UK Oo Sheegay Dilalka Kusoo Badanaya UK Ay Sababtay inay Caruurtooda Ula Cararaan Soomaaliya
London(OWN)- Caruur Dhowr iyo toban jiro kuna dhashay Dalka Britain asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya ayaa waalidiintood waxa ay usoo direen deegaanada kala duwan ee Soomaaliya.
Waliidiinta caruurta ayaa ogaaday in booliiska Ingiriisku aanuu caruurtooda ka difaaci karin dambiga mididda lagu geysto dalkaas , sida uu baahiyay Wargeysta the Guardian oo kasoo baxa dalka Inrigiiska.
Jaaliyadda Soomaalida Wuqooyiga London ayaa sheegay in boqolaal caruur ah loo soo duuliyay Soomaaliya, Somaliland iyo Kenya sababtoo ah in ay soo bateen kooxaha Abaabulan ee midiyaha wax ku dila iyo kuwa caruurta u kala gudbiya magaaloyinka Ingiriiska.
Waraysi laga qaaday hooyooyin Soomaaliyeed oo London degan ayaa waxaa ay the guardian ugu sheegeen in caruurtoodu ay weydiisteen in ay Soomaaliya tagaan , iyagoo ka cararaya daroogada iyo khatarta dilalka dartood.
Raaqiya Ismaaciil oo ah ku xigeen xaafadda ee Islington ayaa sheegtay “in caruurta la wado waa wadada kaliya ee ay kaga badbaadi karaandilalka midada, Arrinta badbaadada bulshadu waa ay ku cel-celiyeen laakiin cidna kama dhageystaan”.
Waxaa ay hadalkeeda ku dartay in wiil Soomaliya lagu soo celiyay Labo todobaad ka hor in middi lagu dilay labo maalin kadib markii uu London ku laabtay.
Bulshadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska ayaa ku celceliyay cabashadooda ku aadan dhibka ay caruurtooda kala kulmaan kooxaha mindida ku hubeysan.