Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Willium Rutto Oo Loogu Baaqy In Uu Is Casilo.

Xubno xulafo la ah madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa raba in uu is casilo madaxweyne ku xigeenka dalkaas William Ruto.

 

Arrintaas ayay ku sababeeyeen in uu billaabay ol’ole wakhtigiisii laga soo hormariyay oo uu ku doonayo in uu ku badalo madaxweynaha marka la gaaro doorashada 2020, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Xildhibaannada ayaa Ruto ku eedeeyay in uu si joogto ah u qabto isu soo baxyo siyaasadeed isla markaasna uu jahwareerinayo afartii qorshe ee waawaynayd ee uu dajiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta, Afartaas oo kala ah Guryo iyo caafimaad la awoodi karo, damaanad cunto iyo warshado, sida uu ku warramay wargayska gaarka loo leeyahay ee The Standard.

Wargeyska kale ee The Star ayaa sheegay in xildhibaannadu ay uga digeen Ruto in uusan booqanin deegaanka uu madaxweynuhu ka soo jeedo ee Kiambu, haddii uu rabo in uu booqdana uu u raaco Uhuru.

Labada xilli ee uu xilka qaban karo Kenyatta ayaa ku eg 2020, balse waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in laga yaabo in uu isku dayo in isbadal ku sameeyo dastuurka, si uu u noqdo Ra’iisulwasaare awood badan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker