Deegaano Ka Tirsan Gobolka SOOL Oo Dagaal Maanta Ku Dhexmaray Ciidamada Somaliland Iyo Jabhadda SSC

Sool(OWN)- Wararka ka imanaya degaanka Gambadhe ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada militariga Somaliland iyo jabhadda SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug.

Goobjoogayaal ku sugan tuulada Gambadhe, oo qiyaastii 30km dhanka koonfur bari ka xigta magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in dagaal uu bilowday, kadib markii jabhadda SSC ay weerar jid-gal ah u dhigtay cutubyo ka tirsan militariga Somaliland oo marayay nawaaxiga Gambadhe.

 

Warar La xaqiijiyay ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho dhaawac oo kala gaadhay labada dhinac.

 

Sidoo kale waxa la sheegaya in gaadiid iyo hub lagu kala qabsaday dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn.

Oodweynenews Sool

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker