Nin Xukun Dil Ah Lagu Fuliyey Gobolka Gedo Kadib Markii Uu Dil Iyo Kufsi Isugu Daray Gabar yar
Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ee maamulka Jubaland, ayaa sheegaya in maxkamad ku taal Magaaladaasi saaka xukun dil ah ay ku fulisay nin lagu eedeeyay inuu gaystay fal kufsi ah.
Ninkaas oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Xaamuud oo jiray 32-sano ayaa Maxkamadda laba maalin ka hor ku riday xukun dil toogasho ah, kadib markii uu fal kufsi ah iyo Dil u geystay gabar yar oo ka mid aheyd dadka deegaanka.
Qaadiga Maxkamadda Magaalada Garbahaarey ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee saaka lagu fuliyay ninkaasi oo lagu toogtay meel fagaaro ah.
Ehelada reerka gabadha ayaa soo dhaweeyay xukunkaasi dilka ah ee lagu riday ninkaasi gaystay falka kufsiga ah.
Muddooyinkaan dambe deeganada Somalida ayaa waxaa ku soo badanaya falalka kufsiga ah ee ay gaysanayaan ragga, kuwaasi oo argagax hor leh ku sii abuuraya hablaha.
Xukunkaan dilka ah ee lagu fuliyay ninkaan ku eedeysnaa kufsiga ayaa ku soo aadaya, iyadoo Magaalada Gaalkacyo ay ka socoto baaritaanka la xiriira kufsigii loo gaystay gabar yar oo lagu magacaabo jiray Caaish Ilyaas Aadan.