Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo ku geeriyooday shil Gaari
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Shil Gaari oo uu ku dhintay AUN Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Puntland.
Shilka uu ku dhintay Xildhibaanka ayaa yimid kadib markii Gaariga uu watay Xildhibaanka oo mararay inta u dhaxeysa Magaalada Boosaaso iyo Degmada Waaciye ee ka tirsan Degaanada Puntland ay isku dhaceen Gaadhi Xamuul ah,isla markaana uu sidaas ku geeriyooday Xildhibaanka.
Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday Magaalada Baasaaso ee Xarunta Ganacsiga ee Maamulka Puntland.
AUN Xildhibaanka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Faarax, waxa uuna kamid ahaa Xildhibaanada sanadkan soo galay baarlamanka Puntland, waxa uuna sidoo kale uu ku jiray Guddigii Doorashada ee Madaxweynaha Puntland.
Inta badan Degaanada Puntland mararka qaar waxaa ka dhaca Shilal kala duwan oo geysta Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana Shilalkaasi loo Aaneeya Wadayaasha Gawaarida oo aan qibrad fiican u laheyn ka xeenta Gawaarida iyo Wadooyinka qaar oo burbursan Awgeed.
AUN Xildhibaan Maxamed Faarax