Xafiiltan Adag oo ka dhex bilaabmay Dawladaha Sucuudiga iyo Imiraatka Carabta

Dubai (OWN) – Shirkadaha warbaahinta dawladda Sacuudiga ee fadhigoodu yahay Dubai ayaa bilaabi doona inay shaqaalaha u wareejiyaan bishan magaalada Riyadh, xilli uu sii xoogeystay loolanka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Tallaabada Sacuudiga ayaa imaneysa ayada oo Amiirka dhaxal sugaha ah ee Maxamed Bin Salmaan uu sii wado qorshihiisa ah inuu boqortooyada u rogo xarun ganacsi oo gobolka ah, meeshana ka saaro Dubai.

Arrintan ayaa timid kadib markii Dowladda Sacuudigu ay sheegtay inay joojisay qandaraasyada ay siiso shirkadaha iyo xarumaha ganacsi ee fadhigoodu yahay dalalka kale ee Bariga Dhexe.

Laba ilo wareed oo kale ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in kanaallada Al- Arabiya iyo Al-Hadath oo ay dawladdu leedahay ay toddobaadkan ku wargeliyeen shaqaalahooda qorshayaal ay ku bilaabayaan baahinta 12 saacadood maalintii oo laga sii deyn doono Magaalada Riyaad bisha January ee sanadka soo soosocda, iyaga oo intaa ku daray inay qaadan karto illaa laba sano in la dhameystiro wareejinta.

Illo wareedyada ayaa sido kale shaaca ka qaaday in MBC Group oo ah shirkadda warbaahineed ee ugu weyn ee Bariga Dhexe iyo Asharq News, oo ah kanaalka wararka oo telefishan ah dhowaana la aasaasay ayaa bilaabay qorshayaal shaqadooda loogu wareejinayo magaalada Riyadh.

Xarumaha Shirkadaha MBC, Al-Arabiya iyo Al-Hadath ayaa waxay ku yaalaan Magaalada Dubai, gaar ahaan Xarunta warbaahinta Imaaraadka Carabta, oo ay ku yaalaan boqolaal shirkadood oo warbaahineed. Asharq News, waxay xarunteedu tahay Xarunta Dhaqaalaha Caalamiga ah ee Dubai.

Al-Arabiya iyo Al Hadath weli kama aysan hadlin guuritaankooda. Si kastaba ha ahaatee, MBC ayaa ku xaqiijisay war qoraal ah oo loo diray Reuters in bishii Febraayo ee sanadkii 2020, uu guddoomiyaha MBC uu ku dhawaaqay damaca ah in laga hirgeliyo Riyaad xarun cusub.

“Qorshayaasheena meel wanaagsan ayay marayaan,” ayaa lagu yidhi qoraalka ay MBC usoo dirtay Wakaalada Wararka ee Reuters.

Inkastoo ay yihiin xulafo aad isugu dhow, haddana Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo dariska ah ayaa ku tartamaya sidii ay usoo jiidan lahaayeen maalgashadayaasha iyo shirkadaha, waxayna bilaabeen qorshayaal kale oo dhaqaale laga sameyn karo marka laga soo tago soo-saarka shidaalka.

Danaha labada dowladood ayaa u muuqda mid sii xumeenaya xiriirkooda labadii sano ee lasoo dhaafay, waxayna sidoo kale ku kala aragti duwanaadeen arrimaha Gobolka, gaar ahaan xiriirka Israa’iil iyo Turkiga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker