AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA DHEXE OO TACSIYAD KA DIRAAYA GEERIDA MARXUUM MAXAMED RASHIID
Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe JSL Mudane Axmed Xasan Carwo waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 21/02/2019, Hargeysa.
Marxuumku waxuu door weyn ku lahaa taariikhda qarannimada Somaliland. Waxuu ahaa aqoonyahan, saxafi, qoraa iyo siyaasi taariikhyahan uruuriya taariikhda, hid aha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Isagoo ka mid ahaa muddo dheer wariyaasha BBC da loogu jecel yahay.Waxuu soo qabtay xilka Wasiir Dawle arrimaha Debedda ee JSL, iyo Lataliye Madaxweyne. Waxuu isu sharaxay xilka Madaxweyne Xigeenka isagoo ka sharaxnaa 2010 xisbiga UCID.
Waxaan qof ahaan ka bartay taariikhda, samirka iyo dulqaadka, annagoo isku xafiis Ahayn Madaxtooyada 2010-2011.
Waxaan marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu waafajiyo samir iyo duco.
Ahmed Arwo
Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe
Somaliland