Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in Ruushku uu daciifay awoodna aanu lahayn
Madaxweynaha Ukraine ayaa ka falceliyay xaaladda Ruushka iyo horumarka ay doonayaan.
Zelenksy, oo uga faalloonaya akoonkiisa Telegram, ayaa sheegay in qof kasta oo “doorta jidka sharta uu naftiisa baabi’inayo”, iyo in “Daciifnimada Ruushka ay haatan caddahay”.
Inkasta oo uusan magacaabin madaxweynaha Ruushka Putin, haddana Zelensky waxa uu u muuqdaa mid ku dhaleeceeyay hoggaamiyaha Ruushka “inuu boqollaal kun” ku tuuray hog dagaal.
Inta ay sii socoto in Ruushku uu kusii hayo ciidamadiisa iyo calooshood u shaqeystayaasha gudaha Ukraine, “waxaa badan doona xanuunka iyo dhibaatooyinka ay naftooda ku yeelan doonto hadhow”, ayuu yiri Zelensky.
“Ruushku waxa uu isticmaalay borobogaando si uu u qariyo daciifnimadiisa iyo doqonimada dawladiisa. Haddana waxa meesha ka baxay fowdo badan oo aanay beeni qarin Karin oo waxaas oo dhami waa hal qof…. Daciifnimada Ruushka waa ay caddahay.” Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sidasi yiri.