Wararkii Ugu Danbeeyey Qaadka Ka Yimaada Dalka Kenya Iyo Xiliga La joojinayo

Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Kaddib markii maalin ka hor ay ku dhawaaqeen ganacsatada keenta qaadka magaalada muqdisho inay joojiyeen qaadkii ay keeni jireen sababo la xidhiidha xaaladda siyaasadeed ee ka dhex aloolsan soomaaliya iyo Kenya .

 

waxaana maalintii shalay sidii caadada ahayd soo gaadhay muqdisho qaad aad u tiro badan arrintaasi waxaana ka hadlay guddoomiyaha guddiga ganacsatada qaadka keenta magaalada Muqdisho Qooje Maxamuud Qayliye.

 

Qooje Maxamuud Qayliye wuxuu sheegay in si qaldan uu kaga baxsaday erayga ahaa waan joojinay qaadka maanta kaddib balse ay doonayeen inay yidhaahdaan waan joojin doonaa haddii uu xidhiidhka soomaaliya iyo Kenya sii xumaado.

 

Qooje Maxamuud Qayliye ayaa sheegay in qaadka ay keenayan magaalada muqdisho uu sii socon doono muddo laba todobaad ah xiligaasina soona uruursanayaan lacagaha kaga maqan gudaha soomaaliya iyo gudaha dalka Kenya.

 

Intaa waxa uu kudaray hadalkiisa kolka ay soo uruursadaan lacagahooda 14 maalmood kaddib ay joojinayaan qaadkii ay keeni jireen hayeeshee arrintaasina ay ku mashquul santahay dowladda soomaaliya oo awood uleh.

 

Ganacsatada soomaaliyeed ee qadka keenta magaalada muqdisho ayaa laga sugayaa inay joojinayaan qaadkii ay keenin jireen muddo laba todobaad ah kaddib iyada oo la xasuusan yahay hadalkii kasoo yeedhay maalin ka hor ee ahaa inay joojiyeen qaadkii kaga iman jiray Kenya gabi ahaantiisaba balse arrintaasi ay noqotay hal baac lagu lis mar haddii uu yimid shalay mid ka badan kuwii hore u imaan jiray.

Oodweynenews Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker