Qaxootiga Ku Nool Xerada Dhadaab Oo Ka Werwersan Xidhiidhka Xumaaday Ee Kenya Iyo Soomaaliya
Shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan xeryaha qaxootiga Dadab ee dalka kenya ayaa ka warsugaya talaabada xigi doonta kadib xidhiidhkii xumaaday ee u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo soomaaliya.
Xukuumada Nairobi ayaa sabtidii ku amartay in si deg deg ah uu dalkeeda uga baxo safiirka soomaaliya ee kenya halka ay u yeeratay safiirkii u fadhiyay muqdisho iyadoo ugu danbeyn ay maanta safiiradan guryo noqdeen.
Kenya ayaa aad uga carootay sida ay sheegatay qayb ka mid ah shidaalka ku jira bada soomaaliya oo xukuumada dalka ku iib geysay shirkii shidaalka ee ka dhacay Lodon.
Si kastaba ha ahaatee qaxootiga boqolaalka kun ah ee ku dhaqan xeryaha dadaab ayaa ka baqdin qaba saameynta ay ku yeelan karto arintaan walow ay sheegeen in aan laga gorgortami karin sharafka masiirka iyo jiritaanka soomaaliya.
Oodweynenews Kenya