Barlamaanka NORWAY Oo Ka Dooday Waqtiga Baasaboorka Laga Ceshan karo Qofka Muwaadinka Ah

Barlamaanka Dalka norway ayaa Codka kalsoonida u qaaday in la Xadido Mudada Qofka Muwaadinka looga ceshan karo Baasaboorka ama dhalashada taasi oo soo jeediyeen 3 kamid ah Xisbiyada ku jira Barlamaanka iyadoo Fashil ku soo dhamaatay codeentaasi.

 

Xisbiyada kala ah SV, Ront iyo MDG ayaa (HAA) ugu codeeyay in la Xadido mudada Qofka laga ceshan karo dhalashada iyadoo doodooda ku soo bandhigay in qofka uusan ka wal walin dib kala noqoshada Basaboorka taasina uu Xaq u leeyahay.

 

Xisbiyada kale ee kala Ah Hoyre,Ap, Krp,Frp, iyo Venstre ayaa kasoo horjeestay Hindisaha taasi oo keentay in dib loo celiyo iskudaygooda lakin goobta ayay ka sheegeen in uu socondoono qorshahooda.

 

Qaxooti badan oo ku nool Dalka Norway ayaa ka wal walsan in dib looga ceshto sharciga iyadoo la eegayo qofka halka uu kasoo jeedo taasi oo dad badan sharciga looga ceshtay waxana kamid ah Dad Somali ah.

 

Xigasho/Stortinget

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker