Guddi Kale Oo Ganacsato ah Oo Dhex-dhexaadin ka Dhex Bilaabay Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Mucaaridka (Sawiro)
Ganacsatada dhexdhexaadinaysa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo Muuse Biixi ayaa maanta la kulantay gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro.
Ganacsatadan oo isxilqaantay ayaa dedaal ugu jira sidii ay u soo afjari lahaayeen ismari waaga adag oo u dhaxeeye Madaxwayne Muuse Biixi iyo Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo ka biyo diidsan Xubno ka mid ah guddida doorashooyinka iyo mudo kordhinta loo sameeyey golaha wakiilada.
Gudoomiye Cirro oo ay wehelinayaan masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga Waddani ayaa xarunta guud ee xisbiga ku qaabilay ganacsatadan dhexdhexaadinta wada.
Kulankan ayaa lagu lafa guray dooda uu xisbiga Waddani qabo, iyada oo guddida ganacsataduna u sheegtay inay war dambe ku soo celin doonaan marka ay la soo kulmaan Muuse Biixi.
Ganacsatadan dhexdhexaadinta wadda ayaa markii ay dhamaysteen kulanka ay la qaateen hogaanka sare ee xisbiga Waddani waxay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan waxyaabaha ay ka wada hadleen.
Dhinaca kale hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xisbiga Waddani uu kulamo kala duwan la qaatay sadex guddi oo doonayey inay dhexdhexaadiyaan Muuse Biixi kuwaas oo uu sheegay inay guul daro kala kulmeen dhinaca madaxtooyada ka dib markii uu Muuse ka meeraystay inuu la kulmo.
Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawrayaa natiijada ka soo baxda kulamada ay guddida ganacstada ahi iskaga dab qaadayaan dhinacyada isku khilaafsan mudo kordhinta iyo guddida doorashada ee cusub.