POLICE FILES : INANTII LA KUFDASAY EE SHARCIGA KU AARGOOSATAY

Sahra waxay shaqo ka bilawday Guri ay gabadh taajirad ahi leedahay , oo maal badan, oo ka dhaxashay ka dhaxashay Ninkeedii (iyada iyo inankeeda  yar ee Najiib) .Zahri iyada oo cuntada sameynteeeda , aad u taqaanna  .
Najiib waxa uu la koray Hablaha Jaariyadaha iyo shaqaalaha Guriga ka ah . Hooyadii inta badan shaqo ayey ku maqan tahay .
Najiib markii uu Baaluqay , Hablihii guriga ka shaqaynaayey , ayuu kolba mid baacsadaa , tii diidana shaqada waa laga eryaa , inta uu Hooyadii ku diro , oo ka been abuuro .
Zahri waxay ahayd Gabadh qurux badan , oo akhlaaq badan ,oo dantu ku keliftay in ay Jaariyad ku shaqayso . Maalintii ay shaqada bilawdayba
waxa uu Najiib bilaabayba in uu isku dayo , in uu la fara ka ciyaaro , laakiin si adag ayay xadkiisa ugu joojisay . Najiib wax is hortaaga hore umuu arkin . markaa way ka qabsatay in uu fara xumeeyo . Ka dibna waxa uu la tashaday Dareewelkiisii oo uu arintii  u sheegay , iyo in uu talo siiyo.
Waxa uu Dareewelkiisii u sheegay qorshe ah , in uu Dawo u keeni doono , seexisa Zahra , kadibna uu ka shaqaysan doono .
Dawadii ayuu u keenay , isaguna ( Najiib waxa uu ugu riday Dawadii ) Caagad yar oo ay biyo ku shubatay oo ay ka cabbi jirtay .
Zahri way lulootay , kadibna waxay gashay hurdo dheer . Subaxnimadii markii ay indhaha kala qaaday , ayaa waxay aragtay Najiib oo dhinac hurda . waxna way isku aragtay . kabacdi way qaylisay oo wixii Guriga joogay oo dhammi , qayladeedii ayay ku soo wada kaceen .
Najiib Hooyadii markii ay soo kacday ee Zahri uga warantay , waxa Wiilkeedii ku sameeyey , waxay ugu jawaabtay : naa qaylada iyo istusnimada looma baahna , ee adigaa shukaansaday oo baddaa inanka geliyey oo ka raali ahaa , ee bal iminkana , ama Albaabka ka bax ama orod oo shaqadaadii  qabso .
Talo ayaa ku cadaatay , garawshiinyo la’aanta . Shaqadeedii ayey iskaga noqotay oo halkii ka sii wadatay . Zahra uur ayaa ku soo baxay , kabacdina waxay u sheegtay islaantii dhashay Najiib , in uu inankeedu saxo qaladkii uu sameeyey oo uu guursado .
islaantii waxay ugu jawaabtay : malaa waad riyoonaysaa ama waad waalantay , ee lacagtaa qaado , oo ilmahan iska soo rid , Gurigana ha ku soo noqoin .
Zahri Gurigii way iskaga tagtay , xaggaa iyo Hooyadeed ayey qabatay , si ay ula tashato . Hooyadeed waxay kula talisay in ay ilmaha iska haysato , oo aanay iska soo ridin , laakiin ay Habaryarteed iyo magaalo kale qabato , inta ay ka umulayso . taladii Hooyadeed ayey qaadatay .
Maalintii ay soo umushay , ayey (Taxi) soo raacday inta ay ilmihii yaraa Selled ( Sinbiil) ku soo ridday , Albaabkii Villadii ayey hor dhigtay , goor ay salaad hore tahay . kabacdina (Taxi-gii ayey dib u raacaday).
Hablihii Guriga ka shaqeynaayey markii ay maqleen , ilmaha yar ee dibbedda ka ooyaaya , waxay u yaadheen islaantii Guriga lahayd . inta ay tidhi gudaha soo geliya , ayey waxay la hadashay , Sarkaal sare oo Police-ka ah oo ay Habaryar u tahay , si ay ugala tashato ( arinkan ) iyo sidii wax looga qaban lahaa .
Sarkaalkii Habaryartii iskumay fiicnayn oo markii uu Ardayga ahaa u may rooneyn , waxna may siin jirin , markaa wuu u calool xumaa .
Kadibna waxa uu kula taliyey in ay Police-ka u yeedho oo u sheegto , arintan iyo ilmahan Albaabkeeda la dhigay iyo sidii loo baadi dooni lahaa ( ciddii arinkan samaysay ee kula kacday cadaawaddan ) .
Police-kii markii uu dhegeystay , waxa uu u sheegay : in ay hayn doonto ilmahan yar , ilaa iyo inta laga helaayo , ciddii dhashay .
Zahri way ka adkaysan kari waydey ilmaheedii yaraa ee ay tuurtay . kabacdi waxay tagtay Station Police-ka , si ay ugu sheegto qisadeeda iyo im uu kufsaday inankaasu oo ay Hooyadiina waxaa kala kulantay . iayaduna falkii ay ku dhaqaaqday uu noqday , in ay Albabkooda ( gurigooda) u hor dhigatay.
Wiilkii Najiib ayaa Station Police-ka looga yeedhay , oo su’aalo la waydiiyey , wax kasta wuu inkiray . waxaa Askarigii ku yidhi : Dhiig ayaanu kaa qadayna . ilamaha yarna Dhiig ayaa laga qadayaa . kabacdi-na waxaa la ogaaday in uu isagu ilmahan dhalay . waa la xidhay Najiib , waxaana lagu soo oogay denbi ah kufsasho .
islaantii Hooyadii kolba meel ayey isku qaadday , waxa loo sheegay , wadada qudha ee inankaagii lagu soo deyn karayaa , inay tahay isaga oo guursda Zahra , oo ay kabacdina ka tanaaasusho Qadyadda ( dacwadda) .
Arinkii bay ogolaatay in uu wiilkeedii guursado Zahra ( jaariyadeedii) . muddo kadibna uu furo . islaantii sidaas ayey ku tashatay .
Zahri-na waxay ku xidhay sharad ah in Xaflad weyn loo sameeyo , oo Huteel caan ahna loogu qabto Xafladda .
Arooskii baa dhacay , Najiib-na  sidiisii ayuu isaga meeraystey oo Guriga marna wuu u soo hoydaa , marna sooma hoydo .
Maalintii danbe ayaa uu shil Gaadhi galay , wuu ku dhintay .
Hooyadii markii loo soo sheegay , naxdintii dhulka ayey ku dhacday , kadibna way indha beeshay . Dakhtaradii oo dhammi waxba way ka qaban kari waayeen ( kuwii Gudaha iyo kuwii dIbedda-ba) .
Zahri waxay umushay Wiil , loo bixiyey magacii awoowgii .( Caydiid)
Asxaabtii iyo shaqaalihii ku xeernaa islaanta  oo dhammi , way iska kala yaaceen , waxaa isku soo hadhay Zahra iyo Wiilkeedii yaraa iyo islaantii oo indho la’ .
Ninkii ay Habaryarta ay u ahayd ee sarkaal ahaa , isaguna wuu ka war hayaa oo wuu u yimaadda , kadib isaguna markii uu Xaaskiisii kala tageen ee uu furay . ilmihii yaraa ee Zahri dhashay ( Caydiid) , ayaa waxa uu jeclaaday Sarkaalkii islaantu Habaryarta u ahayd .
Maalintii danbe ayey islaantii , waxay ku tidhi inankii ay Habaryarta ay u ahayd : Habaryar waxaan kugula talinayaa , inaad Zahra guursato , waayo ? ilmaheeda yari aad buu kuu jecel yahay , aniguna cid kale oo aan Zahra ku aamini karaayo , ma hayo mana garanaayo .
Wuu ka aqbalay . islaantii maalintii danbe ayey waxay ugu yeedhay Zahra Hooyo , oo aanay weligeed ku odhan .
waxay ku tidhi : Hooyo isaamax , Zahri-na way ku oyday , inta ay isla wada ooyeen ayey isqabsadeen oo wada ooyeen .
Maalmo kadibna waxay u soo jeedisay in ay doonayso in ay Ninkan sarkaalka ah ee Habaryarta ay u tahay , ay rabto in uu guursado  . Zahri way ogolaatay arintii islaantu u soo jeedisay , kabacdina nolol iyo farxad ayaa gurigii ku soo biirtay , shaqadii wuu iskaga tegey oo wuxuu u gacan banaanaaday in uu xoolihii islaanta ku shaqeeyo .
inantii Zahra ee la kufsaday , ee sharciga ku aargoosatay .waxaa ka danbeeyey Aargoosigii , in kuwii dhibaatada u geystey cagaheeda hoos yimaaddaan .
Markaa dulmigu waa wax aad iyo aad u xun .
CALI MAXAMED BIIXI (  CALIBIIXI)
caliwwelli@hotmail.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker